Wararka Soomaalida

Xafiisyo ay furteen wasiiro ka tirsan Df Soomaaliya oo Puntland xirtay

Published

on

Maamulka Puntland ayaa albaabada iskuugu dhuftay laba xafiis oo dhawaan qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ka furteen gobolada maamulka Puntland uu ka aramiyo ka dib warqad ka soo baxaday wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Sababta loo xiray labadaas xafiis ayaa wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad wuxuu ku macneeyay xariga xafiisyada in sharciga baalmarsan yihiin wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya ee xafiisyada ka furtay deegaanada Dahar iyo Goldogob sidaas awgeed iyana ay xireen xafiisyadaasi.

Xaafiisyaddan ay xireen madaxda Puntland ayaa waxaa furay Wasiiradda Qorsheynta iyo kan Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee kala ah wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiir Sadiiq Warfaa oo deegaan ahaana ka soo jeeda Puntland.

Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo xiriirka udhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya uu siixumaanayo ka dib ka qayb galkii xafladii caleema saarka ahayd ee Axmed Madoobe ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Hoos ka akhriso war Saxaafadeedka.

Trending

Exit mobile version