Wararka Soomaalida
Qaar ka mid ah musharaxiinta Galmudug oo arimahooda shir laga yeeshay
Dhawaan ayaa waxaa lagu wadaa in degmada Dhuusa-mareeb looga dhawaaqo Golaha labaad ee baarlamanka Galmudug ka dibna Golahaas ay soo doortaan Gudoomiyaha,ku xigeenka,Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka sida qorshuhu uu yahay.
Xilka Gudoomiyaha,ku xigeenadiisa,Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Galmudug ayaa waxaa usharaxan siyaasiyiin reer Galmudug ah iyadoo ay ku jiraan qaar horay xilal ugu soo qabtay Galmudug iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in kulan dheer ay ka yeesheen cida ay u arkaan inay hogaamin karto maamulka Galmudug si maamulkaas u noqdo maamul wada shaqeyn wanaagsan la leh dowlada federaalka Soomaaliya.
kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Khayre ayaa waxay ugu dambeyn isla meel dhigeen cida noqonaysa Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug sida aan xogta ku helnay.
Sida Wargayska Tusmotimes ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa kulanka dhax maray Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaa looga hadlay dardar-galinta Maamul u sameynta Galmudug iyo dhamaystirka Xildhibaanada Galmudug inta hartay qodobada madaxda sare ee dalka isla go’aamiyeena waxaa ka mid ah.
1-In Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya bari oo Sabti ah u ambabaxo magaalada Dhuusa-mareeb si u dardar-galiyo dhameystirka dhismaha Maamulka Galmudug.
2-In 69-ka Xildhibaan ee la soo xulayo ay noqdaan Xildhibaano aqoon leh isla markaana doorankara shaqsiyaadka ay dowlada federaalka Soomaaliya u aragto in ay hogaamin karaan Galmudug.
3-In Madaxweynaha,Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug lagu garab istaago mas’uuliyinta kala ah.
1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).
2-Cali Daahir Ciid (Cali Ciid)
3-Maxamed Nuur Gacal.
Saddexdan musharax ayaa la sheegay inay yihiin Siyaasiyiin aad ugu dhow Villa Soomaaliya iyo Madaxda sare ee dalka.