Wararka Soomaalida

Qaar ka mid ah raggii weeraray Hotel Dusit oo Wajiyadooda iyo Magacyadooda la,aqoonsaday

Laamaha amniga Kenya ayaa Dadaal dheer ugu jira sidii ay u helilahaayeen afarta nin Magacyadooda iyo halka laga soo abaabulay weerarkii talaadadii ka dhacay Magaalada Nairobi Hotelka ku yaalla ee lagu magacaabo Dusit. Baariyaasha Kiiskan ogaanshihiisa ku jira ayaa sheegay in qaar ka mid ah raggii weerarka ka fuliyey Hotelka Dusit ee Nairobi la,aqoonsaday Wajiyadooda […]

Published

on

Laamaha amniga Kenya ayaa Dadaal dheer ugu jira sidii ay u helilahaayeen afarta nin Magacyadooda iyo halka laga soo abaabulay weerarkii talaadadii ka dhacay Magaalada Nairobi Hotelka ku yaalla ee lagu magacaabo Dusit.

Baariyaasha Kiiskan ogaanshihiisa ku jira ayaa sheegay in qaar ka mid ah raggii weerarka ka fuliyey Hotelka Dusit ee Nairobi la,aqoonsaday Wajiyadooda iyo magacyadooda ka dib markii,dib loo baaray Kaamirada qorsoon ee Hotelka ka dibna la aqoonsaday labo ka mid ah raggaas Magacyadooda.

Ciidamada ayaa xaqiijiyey Magacyada labo ka mid ah Afrtii nin ee hubaysanaa ee Hotelka gudaha ugashay ka dibna Kaamirada qarsoon oo ay duubtay markii ay gelayeen Hotelka.

Baarayaasha weerarkan ka dhacay magaalada Nairobi talaadadii ina dhaaftay ayaa sheegay in labadaan nin ee la,aqoonsaday ay yihiin kuwa u dhashay dalka Kenya,labada nin ee la aqoonsaday ayaa sidoo kale la sheegay in dhawaan diinta Islaamka ay qaateen kuna biireen kooxda Al Shabaab,Magacyada raggan ee ay soo bandhigeen laamaha amniga Kenya ayaa waxay kala yihiin.

1-Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limur.

2-shaqsigan oo magaciisa lagu soo koobay Farauuq ayaa Ciidamada waxay sheegeen in uu ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee Nairobi.

Booliiska dalka Kenya ayaa sidoo kale baadi goobaya nin kale oo kaamirada qarsoon laga arkay Wajigiisa isla markaana la sheegay in uu la socday raggan weerarka ka fuliyey Hotelka waxayna Saraakiisha Warbixintooda intaas raaciyeen macluumaad sheegaya shaqsiga seddexaad ee lagu howlan yahay soo helida Magaciisa in raggan uu kala qadeeyay saacad kahor meel aan ka fogeyn halka uu weerarku ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version