Local News

Qaar ka mid ah wadamada haysta hubka ugu badan oo la soo saaray

Published

on

Warbixin kooban oo maanta ay soo saareen kooxda Maraykanka uqaabilsan xagga sayniska ayaa soo bandhiga 9-ka wadan ee haysta Madaxyada xambaara Hubka Nukleerka iyadoo wadamadan si aad ah ukala sareeyaan haysashada Madaxyada qaada ama xambaara Hubka Nukleerka.

Warbixintan ayaa waxaa cinwaan looga dhigay wax ka ogaanshaha wadamada ugu awoodda badan caalamka iyo inta wadan walba uu haysto Madaxyada Xambaara hubka Nukleerka xogta May 2019.

Haddaba wadamadan ayaa waxay kala yihiin.

1- Russia: 6,500 madax
2- USA: 6,185 madax
3- France: 300 madax
4- China: 290 madax
5- UK: 215 madax
6- Pakistan: 150 madax
7- India: 140 madax
8- Israel: 80 madax
9- North Korea: 30 madax.

Xigasho xiriirka saynisyahanada dalka maraykanka.

Wadamada caalamka ee dhaqaalaha haysta ayaa waxay iskuugu faanaan dhinaca awooda hubka iyo sidoo kale dhaqaalaha waxaa kaloo intaas dheer iyagoo ku kala baqa tayada iyo tirada wadan walba uu haysto hubka.

Warbixintan aragnaye tolow goormaa Soomaaliya liiskan soo geli doontaa.

Trending

Exit mobile version