Wararka Soomaalida
Qaar ka mid ah wasiiradii hore ee Soomaaliland oo soo gaaray Muqdisho+sawiro
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray qaar ka mid ah Golihii wasiiradii hore ee Maamulka Soomaaliland xiligii Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu talada Hayey. Wasiiradan hore ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah. 1.Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka. 2.Khadar Axmed Diiriye […]
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray qaar ka mid ah Golihii wasiiradii hore ee Maamulka Soomaaliland xiligii Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu talada Hayey.
Wasiiradan hore ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah.
1.Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
2.Khadar Axmed Diiriye oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Caddaaladda.
3.Axmed Keyse Guray oo soo noqday Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo xubin afaraad oo aysan inoo suuragelin inaan helno magaciisa iyo xilka uu hayn jiray.
lama oga in sitoos ah uga soo duuleen deegaanada Maamulka Soomaaliland iyo in ay ka soo wareegeen wadamada itoobiya iyo Kenya ee deriska la,ah Soomaaliya iyo inkale waxaana si heer saro ah loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Imaatinkan ay yimaadeen Magaalada Muqdisho Wasiiradan hore ee Maamulka Soomaaliland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmahanba hadalhayn farabadan oo ku saabsan isku shandheynta Golaha wasiirada ay ka taagantahay Magaalada Muqdisho.