Wararka Soomaalida

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo qarka usaaran xil ka xayuubin

Published

on

Gudiga canshaxa iyo la dagaalanka musuq maasuqa Kenya ee EACC ayaa bilaabay baaritaano ku saabsan Xildhibaanada haysta laba dhalasho Baasaboor iyadoo durba arintaas ay ku bilaabatay in wax laga weydiiyo Xildhinaanada asalkooda Soomaaliga uu yahay ee laga soo doortay gobolka waqooyo bari Kenya.

Xildhibaanada su,aal weydiinta ku bilaabatay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ka dib markii isaga iyo mudanayaal kale oo Soomaali u badan lagu soo eedeeyey in laba dhalasho baasaboor ay haystaan.

Guddiga anshaxa la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa Baasaboorada dalalka kale xilalkooda ku wayn doonaan haddii arinkaas lagu helo.

Xildhibaannada Soomaalida ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya islamarkaana baaritu ku socoto ayaa magacyadooda waxay kala yihiin.

1-Aadan Barre Ducaale 2-Yuusuf Xasan Cabdi 3-Safiya Sheekh Aadan 4-Aadan Xaaji Cali 5-Maxamed Gaarane 6-Maxamed Daahiye iyo kuwa kale oo qaarkood aanay Soomaali ahayn.

Sharciga udegsan dowladda Kenya ayaa dhigaya in siyaasiyiinta Kenyanka ah ee haysta laba dhalasho wadan xil hoose iyo mid sare toona ka qaban karin dalka Kenya kaliya sharcigooda ufasaxayo dhalashada Kenya iyadoo arintaas looga goleeyahay sida shaqsiga laba dhalasho haysta daacad ugu noqon karo labada wadan ee dhalashadooda uu haysto.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo arinkan jawaab ka bixiyay ayaa beeniyay in laba dhalasho baasaboor uu haysto wuxuuna cadeeyay in hal baasaboor oo dhalasho Kenyan ah uu haysto weligiisna qaadan dhalasho wadan kale haddana diyaar u ahayn inuu qaato iyadoo Xildhibaan Aadan Barre Ducaale si aad ah loogu xasuusto sida uu udifaaco qadiyadda Kenya oo uu marwalba ku faano iyo sidoo kale isqabadkii Soomaaliya iyo Kenya garab istaagii Kenya dagaalkii uu ugalay Soomaaliya-na wuxuu ku tilmaamay inay tahay wax aan jirin oo aad uliita laakiin Aadan Barre Ducaale isaga ayay ku bilaabatay.

Trending

Exit mobile version