Wararka Soomaalida
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliland oo ku wajahan Kismaayo
Somaliland ayaa markii ugu horreysay wadi u diraysa maamulka Jubbaland kuwaasoo ka qayb-galaya caleema-saarka Axmed Maxamed Madoobe oo ka mid ah siyaasiyiintii 25 kii August lagu doortay magaaladaas.
Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah wafdiga tegi doona Kismaayo ayaa sheegay in ay tagayaan caleemasaarka Axmed Madoobe isaga iyo shan qof oo ay ku jiraan xildhibaano,wasiirro hore iyo xisbiyada mucaaridka ah ee Soomaaliland Xildhibaanka wuxuu sheegay in iyagu ay ka codsadeen Axmed Madoobe inuu ku casuumo caleemasaarkiisa isaguna ka aqbalay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga UCID ENG Faysal Cali Waraabe ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland ay wafdi u dirayso Jubbaland Xisbigoodana wafdi udirayaan Jubbaland si ay ugu qayb galaan Caleemasaarka Axmed Madoobe.
Inkastoo maamulka Soomaaliland warkan ka soo yeeray haddana waxaa dib loo dhigay damicii caleema saarka ahaa iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in culays jira awgeed Axmed Madoobe ku howlan yahay inuu iscasilo.