Wararka Soomaalida

Qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah oo midoobay

Published

on

Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ku ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay midoobeen ka dib kulamo isdabajoog ah oo maalmahaamba ay ka wadeen magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaasha Xisbiyadaas shirka midowga ah ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD ee ay kala hogaamiyaan Madaxweyniyaasha hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kale.

Xisbiyada ayaa ku midoobay madal ay ugu magac dareen Mashada Xisbiyada Qaran waxaana Afhayeenka KMG ah madashan loogu magacaabay Xildhibaan hore Cabdiladhiif Muuse Sanyare.

Madashan cusub ee maanta luga dhawaaqay xisbiyada ku midoobay waxaa kamid ah xisbiyada ay hogaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaa sidoo kale ku jira xisbiga uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isbahaysiga cusub ee midoobay ayaa isku diyaarinaya loolan adag ay la geli doonaan Xisbiga Nabad iyo Nolol ee talada dalka hada haya sidoo kale mar kale damac ugu jira in mar kale hogaanka dalka sii hayaan afarta sano ee soo socota.

Trending

Exit mobile version