Wararka Soomaalida
Qaban qaabada Gudiga doorashada Galmudug oo lagu dhawaaqayo
Degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa hadda waxaa loo fadhiyaa oo ka socda qaban qaabada ku dhawaaqista Gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ka dib markii shalay galab halkaas uu gaaray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada iyo Xildhibaano deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug. Xalay shir aan […]
Degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa hadda waxaa loo fadhiyaa oo ka socda qaban qaabada ku dhawaaqista Gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ka dib markii shalay galab halkaas uu gaaray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada iyo Xildhibaano deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug.
Xalay shir aan loo kala kicin ayaa wuxuu dhaxmaray Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Geed fadhiga Ahlusuna ee talada ka go,da,Madaxa Golaha wasiirada Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaana laga wada hadlayay qaabka ay udhacayso doorashada Maamulka Galmudug sida aan xogta ku helnay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusa-Mareeb ku qaabilay madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan
Mas,uuliyiintan ayaa waxay isla jaangooyeen sidii horayba uqorsheeyay Wasiirka arimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ah in 4 bisha July ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug sidoo kale maanta lagu dhawaaqo gudiga doorashada.
Dhinaca kale waxaa qadka Talefonka ku wada hadlay Xasan Cali Khayre iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf waxaana la sheegay in xataa arimahaan gudiga doorashada ah laga talo galiyay Xaaf qaabka loo marayo magacaabista gudiga.
Markii lagu dhawaaqo gudiga ayaa waxaa la sheegayaa in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu uduuli doono degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ka dibna halkaas ay ku wada kulmi doonaan Axmed Ducaale Geele Xaaf oo xalay Xildhibaano labada Gole ah ka soo ka xeeyeen Degmada Godinlabe ka dibna soo galiyay Cadaado.