Wararka Soomaalida

Qaramada Midoobay oo markii uga horaysay ka hadashay arrinta Soomaaliya iyo Nicholas Haysom

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan Deg Deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya iyo go,aankii Dowladda federaalka ee Soomaaliya ee Dalka looga Eryay Ergaygii QM ee arrimaha Soomaaliya. ilaa hadda waxaa kulan leh Golaha amaanka walina go,aan rasmi ah ka ma soo bixin waxaana loo badinayaa in go,aan adag ay ka qaataan arrimaha Soomaaliya. […]

Published

on

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan Deg Deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya iyo go,aankii Dowladda federaalka ee Soomaaliya ee Dalka looga Eryay Ergaygii QM ee arrimaha Soomaaliya.

ilaa hadda waxaa kulan leh Golaha amaanka walina go,aan rasmi ah ka ma soo bixin waxaana loo badinayaa in go,aan adag ay ka qaataan arrimaha Soomaaliya.

Ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey Farhan Haq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay Baaritaan dheer Ku Samaynayso sababihii keenay in dowladda Soomaaliya shaqada ka joojiso wakiilkii xoghayaha guud ee QM Nicholas Haysom.

“Waxaan isku dayaynaa in aan helno faahfaahino kala duwan iyo Cadeymo waxaanan arki doonnaa iyada oo lagu saleynayo wixii tallaabooyin dheeraad ah ee loo baahan yahay, waanan ka fiirsan doonaa” ayu yidhi Ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey.

Farhan Xaq ayaa Sheegay in warkani uu soo gaadhay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, uu cambaareeyay weerarrkii hoobiyaha loo adeegsaday ee lagu qaaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Tallabada dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday wakiilka QM ayaa ku soo beegatay xili siddoo kale shaqaale ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya lagu dhaawacay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xaruntooda Soomaaliya ee ku taala xerrada Xalane.

Lama oga go’aanka xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uu ka qaadan doonno go’aanka ay dowladda Soomaaliya shaqada uga joojisay wakiilkoodii Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version