Wararka Soomaalida
Qarax ka dhacay Siinka dheer oo khasaaro sababay
Galabta ayaa waxaa qarax keenay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay inta udhaxaysa Excontrol Afgoye iyo deegaanka Siinka dheer ee Gobolka Banaadir waxaana ku dhintay laba qof halka dhaawac uu ka soo gaaray hal qof ka dib markii gaari nooca tamashlaynta ah qaraxaas lagu xiray.
Meesha gaarigan uu ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaamacadda Shabeelle waxaana uu haa qaraxaas Miino lagu dhejiyay gaarigaas xili wadada uu marayay waxaana saarnaa seddax dhalinyaro ah kuna siijeeday shabeelaha hoose sida aan wararka ku helnay.
Dhilinyaradan gaarigooda Miinada dhejiska ah loogu xiray ayaa waxaa la sheegayaa inay ahaayeen dhalinyaro aqoonyahano ah howlo ugaar ah ugu socday degmada Afgooye sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah ehelada dhalinyaradaas qaraxa Miinada dhejiska ah lagu dilay.
ilaa hadda cidna masheegan qaraxaas Miino ee aqoonyahanadan lagu dilay waxayna ka mid tahay qaraxayada dhejiska ah ee badanaa cidna sheeganin ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.