Wararka Soomaalida
Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Shabeelada hoose
Deegaanka Doonka ee hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa galabta waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada dad rayid ah ka dib markii gaari ay saarnaayeen halkaas kula qaraxday Miino ku aasnayd wadada qarkeeda. Qaraxaasi dadka rayidka ah ay ku dhinteen ayaa waxaa lagu soo waramayaa in rag iyo dumarba la,kala garan waayay qaraxa […]
Deegaanka Doonka ee hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa galabta waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada dad rayid ah ka dib markii gaari ay saarnaayeen halkaas kula qaraxday Miino ku aasnayd wadada qarkeeda.
Qaraxaasi dadka rayidka ah ay ku dhinteen ayaa waxaa lagu soo waramayaa in rag iyo dumarba la,kala garan waayay qaraxa oo ahaa mid aad uxoog badnaa dadkii oo Hilbahooda Shiilmay awgeed iyadoo qofna ka badbaadin dadkii saarnaa gaariga.
Gaarigan haleeshay Miinadaas ayaa wuxuu ahaa gaari ay saarnaayeen dad Caanoolay ah waxaana saarnaa 8 qof hal qofna kama badbaadin qaraxaas Miinada ah ee gaariga qaraxa uu qabsaday.
Maamulka Gobolka shabeelada hoose ayaa xaqiijiyay geerida 8 ruux ee ku dhintay qaraxaas Miinada ee lagu aasay wadada dhinaceeda xili ay ka rawaxeen Degmada Afgooye kuna sii jeeday reerahoodii saaka subixii ka soo shaqo tageen ka dib markii usoo shaqeeen iyagoo reerahooda ay degan yihiin dhulka Miiga ah ee isla Gobolka Shabeelada hoose.
Gaarigan Miinada kula qaraxaday deegaanka Doonka ayaa noociisu waxaa lagu sheegay Waaraad waxaana la xaqiijiyay in dadka dhintay ay ka mid yihiin wadihii Gaarigaas iyo Caawiyihiisii.
Dadkan shacabka ah ee halmeel ku wada geeriyooday ee ka mid ahaa dadkii Degmada Afgooye Caanaha ugu iib keenjiray Miiga degmadaasi ayaa waxay iskuuga jiraan Haween iyo Rag sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladada dadkaas.
Deegaanka galabta qaraxa uu ku laayay dadka rayidka ah ayaa waxaa intabadan isticmaala Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyadoo wadadaasi Miinooyin ugeliyaan Al shabaab Ciidamadaas sida dadka deegaanka si hoose ugu sheegeen Wargayska Tusmotimes.