Wararka Soomaalida
Qaraxyadii ugu badnaa abid oo la soo qabtay+sawiro
Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in ciidamada amaanka gacanta ay ku soo dhigeen keyd hub ah oo Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha biyaha ee ku yaala duleedka magaalada Muqdisho. Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa maanta Saxaafadda u sheegtay in deegaanka Ceelasha biyaha laga helay god […]
Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in ciidamada amaanka gacanta ay ku soo dhigeen keyd hub ah oo Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha biyaha ee ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.
Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa maanta Saxaafadda u sheegtay in deegaanka Ceelasha biyaha laga helay god weyn oo Al Shabaab ugu keydsanaa hub kala duwan iyo Waxyaabaha qarxa.
Waxay sheegtay Jannaraal Sakiya Xuseen Axmed in keydkan hubka uu yahay kii ugu weynaa ee Al Shabaab ay ku lahaayeen duleedka Muqdisho waxayna xustay in hubkan iyo waxyaabaha qarxa la doonayey in shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo.
Taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya Jannaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa u mahad celisay Shacabka Soomaaliyeed ka dib markii xogtan keydka hubka ah ay la wadaageen Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo ahaa mid lagu aasay dhulka hoostiisa iyo sidoo kale xogo kale oo lagu soo qabtay xubno katirsan Al Shabaab.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo xooggan oo lagu xaqiijinayo amaanka kawada magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxayna ciidamada wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku xasiliyaan amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Talaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horeysay oo ay ku guuleystaan Ciidanka Booliska Soomaaliya.