Wararka Soomaalida
Qaw quruxdeeda oo qaayo badanaa
Deegaanka Qaw wuxuu dhanka Galbeed kaga beegan yahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland qiyaastii wuxuu ujiraa 40KM. Deegaanku waxa uu leeyahay dhul dalxiiska ku wanaagsan waxaa uu leeyahay dhismeyaal taariikhi ah.
Qaw waa deegaan xeebeed aad u quruxbadan jawi deganaan,nasasho iyo damaashaad ku fiican waxaa intaas udheer dhir farabadan oo ilaahay ku manaystay inay doog ahaadaan Aaran iyo Abaar intuba iyadoo xeebteeduna aad kuu soo jeedanayso.
Qaw iyo meelo kale oo la mid ahba waxay ka mid yihiin dhul xeebeedka quruxdabadan ee dalka hooyo ee Soomaaliya laga helo.
Deegankan ayaa waxaa ku nool bulsho aad isu jecel soo dhaweynta iyo marti soorkana ku fiican