Wararka Soomaalida

Qiso dhab ah oo dhex martay Oday iyo Wiilkiisa

Aabe ayaa Waqti dambe dib ugu soo laabtay Gurigiisa isaga oo aad u daalan,waxaa uu arkay wiilkiisa oo albaabka ku sugaya,salaan ka dib wiilkii waxa uu weeydiiyay aabihii su,aashan,aabe immisaa lacag ah ayaad saacaddii ku shaqeysaa. Aabihii ayaa ujawaabay Wiilkiisa wuxuuna Ku yiri Aabe waamaxay su,aasha aad aniga iwaydiinayso Maxaase kaa gaalay,waxaasu shaqadaada maahane ee […]

Published

on

Aabe ayaa Waqti dambe dib ugu soo laabtay Gurigiisa isaga oo aad u daalan,waxaa uu arkay wiilkiisa oo albaabka ku sugaya,salaan ka dib wiilkii waxa uu weeydiiyay aabihii su,aashan,aabe immisaa lacag ah ayaad saacaddii ku shaqeysaa.

Aabihii ayaa ujawaabay Wiilkiisa wuxuuna Ku yiri Aabe waamaxay su,aasha aad aniga iwaydiinayso Maxaase kaa gaalay,waxaasu shaqadaada maahane ee iibanneey Albaabka waan daalanahaye.

Wiilkiibaa ku war celiyey Aabihiis wuxuuna marlabaad ku yiri.aabe kaliya waxaan Codsanayaa in aad ii dulqaadatid si aan u ogaado qiimaha aad saacaddii ku shaqeeysid shaqada aad noogu maqantahay ee fadlan aabe iisheeg.

Odaygii ayaa ka carooday su,aalaha kala joogsiga lahayn ee Wiilkiisa ku hor waydiinayo Albaabka Guriga hortiisa ah xili uu ka yimid shaqo isla markaana uu dareemayo daal aad udaran wuxuuna Wiilkiisa ulahadlay si caraysan wuxuuna ku yiri war nagatag 50 GANI ayaan ku shaqeynaaye.

Wiilkii oo aan ka caroonin aabihiis kana joojinin su,aal waydiinta Aabihiis ayaa sidan udhigay su,aalkale,Aabe waxaad I deymisaa fadlan 10 Gani oo aan dib kuugu soo celiyo .

Aabihii ayaa ku yiri waan ku siinayaa 10 Gani oo aad Cayaar iyo Buskut aad ku qarash gareeyso ee qolkaaga ku laabo anigana wax yar ayaan Seexaanayaa oo waan daalanahay Wiilkii oo aan kalmad soo celinin ayaa qolkiisa isagoo farad la kalabatay ayaa udhaqaaqay dhanka Qolka uu seexdo.

Aabihii ayaa isaga oo careeysan billaabay isla hadal iyo sidee Canuggaagan yar kuu weeydiin karaa su’aalo intaa la’eg oo khuseeynin Mushaarkaaga.

Daqiiqado ka dib Aabihii oo dareenkii carada ahaa ka degay ayaa ogaaday in wiilkiisa si adag oo caro ay ku jirto uu ula dhaqmay waxa uuna u dhaqaaqay dhanka qolkii wiilka uu ku jiray,isaga oo ku yiri wiilkeeyga miyaad huruddaa.

Wiilkii ayaa ku jawaabay Maya aabe waan soo jeedaa,aabihii waxaa uu uga cudr daartay wiilkiisa sida adag ee ula dhaqmay daqiiqadihii koobnaa iyo wixii dhexmaray, waxas uu ku yiri waatan lacagtii 10 Gani ee aad I weydiisatay ee hoo.

Wiilkii farxad ayuu la dabaal dagay Aabihiis ayuuna u mahadceliyay dabadeed Wiilkii ayaa udhaqaaqay xagga Barkintiisa Aabihii oo isleh Tolow muxuu samayn rabaa Wiilkaaga ka dib Wiilkii ayaa Barkinta hoosteeda ka soo saaray Lacag dhan 40 Gani Odaygii dhalay Wiilkan dada yar ayaa la, Ashqaraaray Meesha Wiilkiisa ka soo gashay lacgtan iyo cida siisay ayuu iswaydiiyey waana la,ahaan wayday markii wiilku uu barkinta hoosteeda ka soo saaray lacag kale oo ka badan tii la’siiyay isaga oo careysan ayuu ku yiri maxaad lacag ii weydiineeysay sootan mid ka badan aad heysato.

Wiilkii ayaa si deggan ugu jawaabay su,aasha Aabihiis wuxuuna ku yiri Aabe hadda waxaan haystaan lacag igu filan oo ah 50 Gani waxaana doonayaa in aan waqtigaaga ku iibsado hal saac ka mid ah aan uhelno waqti nagu filan  oo aad anaga nala qaadato maadaama saacaddii 50 Gani aad ku sahqeyso,Aabihii la’yaab ayaa ka soo haray wuxuuna billaabay in uu qorsheeyo waqti uu la’qaato Caruurtiisa.

Qoyska oo aad waqti siisaa waa farxada iyo Caafimaadka Caruurtaada iyo Afadaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version