Wararka Soomaalida
QM oo War ka soo saartay Doorashadii Shalay ka dhacday Garowe
Golaha amaanka ee Umadaha midoobe ayaa maanta oo Arbaco ah War ka soo saaray Doorashadii xiisaha lahayd ee shalay ka dhacday Magaalada Garowe isla markaana Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa lagu doortay. Doorashadii shalay ka dhacday Garowe ayaa waxay ahayd mid ay ku loolamayeen Musharaxiin gaarayey 21 musharax oo utaagnaa xilka Madaxweynaha Puntland iyo 11 oo […]
Golaha amaanka ee Umadaha midoobe ayaa maanta oo Arbaco ah War ka soo saaray Doorashadii xiisaha lahayd ee shalay ka dhacday Magaalada Garowe isla markaana Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa lagu doortay.
Doorashadii shalay ka dhacday Garowe ayaa waxay ahayd mid ay ku loolamayeen Musharaxiin gaarayey 21 musharax oo utaagnaa xilka Madaxweynaha Puntland iyo 11 oo dhankooda loolan uga jiray Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Golaha Baarlamanka Maamulka Puntland go,aan meel uyaallay ayaa 21Musharax oo uu ku jiray Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii Shantii sano soo maamulayey Puntland.
Iyo Siyaasiyiinta usharaxnaa Madaxweyne ku xigeenka Punyland oo sidoo kale uu ka mid ahaa Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenkii Shanta sano ee Maamulkaas Gaas uu Madaxweynaha uu ka ahaa ayaa Musharaxiintii isku darkooda gaaraysay 32 Musharax kala dhex baxay labo Musharax iyagoo ukala doortay Saciid Cabdulaahi Maxamed (Saciid Dani) Madaxweynaha Shanta Sano ee soo socota iyo Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) Madaxweyne ku xigeenka shanta sano ee soo socota.
Haddaba Qoraal ka soo baxay Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee shalay la doortay.
Raisedon Zenenga ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubnihii Beesha Caalamka u joogay Doorashada Puntland ka dhacaysay wuxuuna shalay xaadir ka ahaa wixii Garowe ka qabsoomay.
Warkan ka soo baxay Mas, uulkan Qaramada Midoobay Uganda wakiilka ahaa doorashadii Maamulka Puntland ayaa sidoo kale amaantay qaabkii ay guddiga doorashada Puntland u maamuleen doorashada, waxa ayna Qaramada Midoobay u hambalyeesay guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland.
Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu amaanay Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas iyo cid kasta oo arintaas quruxdabadan ay ka dhacdo Garowe in QM ay uhayaan xushmad iyo amaan qaabkii ay amaanka uga shaqeeyeen una maamuleen doorashada Puntland.