Arts & Culture

Qoraa Dhallinyaro ah oo buug cusub carruurta u soo saaray

Published

on

Qoraa Cumar Warfa oo ah wiil dhallinyaro ah ayaa soo saaray buug loogu talagalay carruurta. Buuggan oo uu Cumar ugu magac daray “A little, Big Lie” oo ah “Wax yar, Been weyn” ayaa si rasmi ah u soo baxay maanta oo ah Jimco May 15, 2020.

Qoraa Cumar Warfa

Qoraa Cumar Warfa ayaa ii sheegay in uu Buuggan cusub ugu talogalay carruurta iyo da’a yarta ay da’doodu jirto 5-jir ilaa 8-jir.

Mar aan weydiiday qoraagan dhallinyaradda ah waxa ku kalifay in uu buug carruur qoro isaga oo buuggaag kale qori kara ayuu Cumar Warfa iigu jawaabay, “ Waxaan buuggan u qoray si aan anigu isku dhiirigeliyo, runa uga dhigo riyo aan ku hamiweynaa mudo baddan oo ah in aan noqdo qoraa. Sidoo kale waxaan rabaa in aan bulshadda Soomaaliyeed tuso in aan noqon karno dad wax qora oo qoraayaal leh.

Buuggan uu qoray Cumar Warfa ayaa haddaba ah buug lagu daabacay luuqada Ingriiska, waxaana buuga ku jira cashiro iyo tusaalooyin wax ku ool u ah carruurta. Buugga ayaa wata xikmad iyo waano waalid. Xikmadda buuggan salka u ah ayaa ah muhiimada ay saaxiibtinimadu iyo is cafisku leeyihiin.

Haddaba buuggan ayaa si rasmi ah maanta u soo baxay waxaana laga helayaa oo laga gadan karaa shirkadda Amazon.

Sawiradda: Cumar Warfa

Trending

Exit mobile version