Community

Qoraa Hudda Ibrahim oo soo bandhigtay buug cusub

Published

on

Qoraa Hudda Ibrahim ayaa booqatay, kuna soo bandhigtay buugeedda cusub ee Lula Waxay Rabtaa in ay xidhato Calaamadda Ciidanka (Lula Wants to Wear a Badge) Iskuulka Gateway Academy ee ku yaala magaaladda Burnsville ee gobolka Minnesota.

Hudda Ibrahim oo ah qoraa, macallin wax ka dhiga Kulliyadda St. Cloud Technical and Community College iyo Aasaasaha/madaxa Shirkadda Filsan Talent Partners ayaa ardayda Iskuulka Gateway STEM Academy oo ah iskugu yira fasalada hoose iyo kuwa dhexe u soo bandhigtay buugeeda cusub. Buugga cusub ee Lula Waxay Rabtaa in ay xidhato Calaamadda Ciidanka (Lula Wants to Wear a Badge) ayaa ah buuggii saddexaad ee ay Hudda qorto. Labbo kamid ah buugta ay qortay Hudda ayaa ah buug loogu talogalay carruurta.

Arday iyo carruurta Iskuulka dhigta oo dhamaantood ah Soomaali ayaa nasiib u yeeshay in ay fursad u helaan qoraa Soomaaliyeed oo buug uu qoray u akhriya, wakhti wanaagsan oo dhiirigelin waxbarasho, muhiimadda ay leedahay in wax la akhriyo lana qoro iyo guud ahaanba muhiimadda ay leedahay waxbarashaddu la wadaaga.

Qoraa Hudda Ibrahim oo su’aalo uga jawaabaysa qaar kamid ah ardayda Iskuulka Gateway Academy

Qoraa Hudda Ibrahim ayaa markii ay dhamaysay akhrinta buugeedda su’aalo ay waydiiyeen ardaydu uga jawaabtay. Sidoo kale Hudda ayaa waydiisay ardayda su’aalo ay kamid tahay waxa ay rabaan ardaydu in ay noqdaan mustaqbalka. Jawaabtii ay ardaydu ka bixiyeen su’aashan ayaa ahayd mid ay aad ula dhacday qoraa Hudda, maamulka Iskuulka, macallimiinta iyo waalidka. Waxaa dhiirigelin iyo wax lagu farxo ahayd hamiga ku jira ardayda iyo carruurta dhigta Iskuulka.

Ardayda ayaa waxaa ka muuqday wajigooda farxad ay la socoto dhiirigelin iyo kalsooni markii ay nasiibka u yeesheen qoraa Hudda. Musaasabaddan ay qoraa Hudda ku soo bandhigtay buugeeda cusub, una akhrisay buuga ardaydii goobta ku sugnaa ayaa ahayd mid aan dareenka iyo muhiimadda  ay leedahay qoraalkan lagu soo tabin karrin.

Halkan ayaad ka heli kartaa buggaagta ay qortay Hudda: https://www.amazon.com/Books-Hudda-Ibrahim/s?rh=n%3A283155%2Cp_27%3AHudda+Ibrahim

Trending

Exit mobile version