Wararka Soomaalida
Qormo:Qurbajoog Qoraxjoog ismaandhaaf kalamaan
Dalka Soomaaliya Qoraxjoogtu waxay u arkaan qurbajoogta soo laabatay duulaan shisheeye oo fursadaha dalka, gaar ahaan kuwa siyaasadeed iyo dhaqaale ku ciriirinaya, iyadoon qurbajoogtu qorax usoo joogin, qoysas badan usoo masruuffin, qaraabo iyo qabaail lasoo xaajeysan. Meesha qurbajoogtu isu arkaan kuwo kusoo laabtay dalkoodii ay ka qaxeen iyaga oo yar yar ah oo hooyooyinka iyo […]
Dalka Soomaaliya Qoraxjoogtu waxay u arkaan qurbajoogta soo laabatay duulaan shisheeye oo fursadaha dalka, gaar ahaan kuwa siyaasadeed iyo dhaqaale ku ciriirinaya, iyadoon qurbajoogtu qorax usoo joogin, qoysas badan usoo masruuffin, qaraabo iyo qabaail lasoo xaajeysan.
Meesha qurbajoogtu isu arkaan kuwo kusoo laabtay dalkoodii ay ka qaxeen iyaga oo yar yar ah oo hooyooyinka iyo aabayaashu gacanta ama dhabarka ku sidaan, dagaalkii sokeeye awgiis,waxay kaloo qurbajoogtu aaminsanyihiin in ay dalka wax kusoo kordhinayaan dhinac walba aan qoraxjoogtu awood u lahayn sida farsamada, maalgashiga iyo xiriirka aduunka.
Labada aragti waxay keeneen ismaandhaaf iyo kalamaan dab kusii huriyey isqabad-yadii Soomaaliya horeyba uga taagnaa dhanka diinta, siyaasadda, dhaqaalaha iwm ugu siidaray.
Meelaha xiisadaha iyo xasaraduhu haataan si ba’an uga taaganyihiin waa goleyaasha Dawladda Federaalka iyo kuwa Dawlad Gobolleedyada, oo aad uga muuqdaan madax sare oo qurbajoog ah.
Arrintu armey isu badashaa iskahor-imaadkii ka dhexdhacay Liberia 1900-medyadii,waa arrin dhexdhexaadin iyo ukala dabqaad mudan.
Qore Ismail Warsame blog