Wararka Soomaalida
Qoys deganaa Hargeysa oo hal wiil ka badbaaday
Guri ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay dhacdo xanuun iyo murugo leh ka dib markii qoys deganaa guri ku yaalla xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa uu ku soo dumay Guri kale oo deriskooda ah.
Qoyskan guriga ku soo dumay ayaa ka koobnaa afar ruux oo kala ahaa Aabaha guriga hooyada guriga oo Xaamilo ahayd iyo labo wiil oo ay dhaleen iyadoo sida ay u dhan yihiin qoyskaas ku wada gewriyooday gurigii ku soo dumay.
Haddaba Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey qoyskaas Afarta qof ka koobnaa oo kala ahaa Aabo,Hooyo xaamilo ah iyo laba wiil oo ay dhaleen oo xalay kusoo dumay gurigii ay jaarka la’ahaayeen.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada,taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliland,Gudoomiyaha Hargeysa iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex,maayarka caasimadda Hargeysa iyo xildhibaano ayaa Aaska qaran ee loogu sameeyey qoyskaas kala qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo goobta janaasada ku sugnaa waxana halkaas laga jeediyey hadalo loogu baroor-diiqayo masiibada qoyskaas ku dhacday iyo dareenka heer maamul ee arintaas loogu falceliyay.
Wasiirrada,arrimaha gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadalo kooban ka jeediyey Aaska loo sameeyey qoyska xalay geeriyooday ayaa marxuumiinta geeriyooday Eebbe uga baryey inuu Janada ka waraabiyo.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa muujiyey culayska masiibada qoyskaas ku habsatay ay leedahay isagoo xusay in qaranku murugada iyo naxdinta la wadaagayo ehellada iyo qaraabada ay marxuumiintaas isku qoyska ah ka baxeen.
“Waa geeri culus qoys dhan oo iyaga oo hurda masiibo ku habsatay iyaga oo aanay cidina ka bixin waase Ilaahay qaddarkii waana waxyaabaha lagu cibro qaato,Ilaahayna dhammaantood ha u wada naxariisto,qoyskii iyo reerkii ay ka baxeenna Ilaahay waxan uga rajaynayaa cawil khayr qaba,Qaran ahaan aad baannu idiinka tacsiyadaynayaa,naxdintaana waa la idin la qaybsanayaa,waana masiibo qaran”ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.
Qoyska maanta Aaska qaran loo sameeyey oo afar qof ka koobnaa ayaa si wadar ah loo xabaalay waxana ay ifka kaga tageen oo isagu masiibadaa ka badbaaday wiil yar oo ay marxuumiinta geeriyooday dhaleen kaasoo ku maqnaa qoy ay qaraabo yihiin.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu guud ahaan bulshada reer Soomaaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah si bad qabkooda ay u sugaan waxaa kaloo wadayaasha gaadiidka uu faray inay ka feejignaadaan dhibaatada lagala kulmo roobabka.