Wararka Soomaalida

Rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac oo markale ka dhacay Jigjiga iyo Bandow lagu soo ragay Magaalada

Wararkii ugu dambeeyey Rabshadihii ka socday Magaalada Jigjiga ee caasimadda Maanulka Soomaali State  ee maanta gelenkii hore soo bilowday ayaa sheegaya in markale ay isfara saareen Ciidamada Amxaarada itoobiya iyo shacabka Soomaalida ee Magaalada Jigjiga degan ka dib markii ay isku dhaceen Ciidanka iyo Shacabka. Rabshadahaas ayaa keenay in shacabka ay soo gaaraan khasaaro iskuuga […]

Published

on

Wararkii ugu dambeeyey Rabshadihii ka socday Magaalada Jigjiga ee caasimadda Maanulka Soomaali State  ee maanta gelenkii hore soo bilowday ayaa sheegaya in markale ay isfara saareen Ciidamada Amxaarada itoobiya iyo shacabka Soomaalida ee Magaalada Jigjiga degan ka dib markii ay isku dhaceen Ciidanka iyo Shacabka.

Rabshadahaas ayaa keenay in shacabka ay soo gaaraan khasaaro iskuuga jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegaaan Wararka halkaas naga soo gaaraya ka kagadaal markii Amxaarada Ciidanka ah,dadka shacabka ah ay u,adeegsadeen Rasaasta nool nool ee wax disha.

Magaalada Jigjiga ayaa caawa ah mid qasan waxaana lagu soo rogay bandow ka dib markii arrimaha la xiriira rabshadaha ee isku dhaca Ciidanka Amxaarada itoobiya iyo shacabka uu faraha ka siibaxay.

Laamaha amniga Maamulka Soomaali Satate ayaa Magaalada Jigjiga ku soo rogay bandow,laamaha amniga amar ka soo baxay caawa ayaa sidan uqornaa.

Go,aamada ka soo baxay shirkii laamaha amniga Jigjiga ayaa iskuuga yimaadeen ayaa waxaa ka soo baxay qodobadan.

1) in aan dadku isugu iman karin meelaha bulshadu isugu timaado

2) in bandoo (curfew) lagu soo rogey gebi ahaanba magaalada Jigjiga laga bilaabo 10:00pm

3) in si gaara loo ilaalinayo meelaha xaasaasiga ah ee magaalada.

4) in ay amar ku haystaan askartu inay talaabo ka qaadaan cid kasta oo ay u arkaan inay halis ku tahay amniga magaalada.

Dowlada ayaa ka codsanaysa shacabku inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Hadaba wixii ku soo kordha arrimahan ka soo cusboonaaday Magaalada Jigjiga mar kastaba kalasocda insha,allah Wargayska Tusmotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version