Wararka Soomaalida

Radio Daljir oo la hareereeyay

Published

on

Ciidamada booliska maamulka Puntland ayaa saaka Albaabada iskuugu dhuftay Radio Daljir xarumaheeda ay ku lahayd magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ee gobolada Nugaal iyo Bari ee maamulka Puntland,Idaacadda oo ah tan ugu afka dheer Idaacadaha ka howlgala Deegaanada maamulka Puntland iyadoo idaacaddaasi baahisa waxyaabo badan oo tacadi ah islamarkaana ay ku kacaan Ciidamada maamulka Puntland sida ay baahiso Radio Daljir.

Ciidamada xiray Radio Daljir ayaa waxaa hogaaminayay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland qaybta Boosaaso ee Gobolka Bari Koronel Cabdirashiid Aamusane sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah Saxafiyiinta ka shaqeeya Idaacaddaasi iyadoo xiriiro kala duwan oo aan la samaynay Taliyaha Ciidanka booliska Puntland Jannaraal Muxyadiin inoo suura galiwaysay.

Idaacadda Daljir oo mararbadan sidaan oo kale xarumaheeda Garowe iyo Boosaaso loo xiray ka dib markii lagu qabsaday warar iyo barnaamijyo ay ka sameeyeen Ciidamada maamulkaas ayaa hadda waxaa markale lagu qabsaday war dhowaan ay ka baahiyeen Taliska Ciidanka booliska Puntland ka dib markii Ciidankaas tacadiyo kula kaceen maxaabiis ku xirneed xabsi ka mid ah xabsiyada dadka ay ku xiraan.

Idaacaddan ayaa saacdo dheer ka dib dib ufasaxay Ciidanka booliska Puntland ee saaka xiray xarumaha Radio Daljir magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe iyadoo hadda dhamaan xarumaha Radio Daljir ay shaqaynayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version