Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha iyo Lafta Gareen oo gaaray Marka
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta gaaray degmada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.
Wafdigan ayaa waxaa siweyn usoo dhaweeyay Maamulka magaalada marka iyo shacabka Magaaladaasi waxaana hadda ku sugan yihiin Magaalada Marka.
Waa markii ugu horaysay oo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu tago magaalada Marka.