Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo gaaray Dooxa
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha gobolka Banaadir,wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Dooxa uga qayb gelaya madasha Dooxa.
Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.
Ra’iisul Wasaaraha oo sanadihii 2018 iyo 2017-kii sidaan oo kale uga qayb galay madasha Dooxa ayaa intuu joogo Dooxa wuxuu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.