Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo abaalmarin ubalanqaaday askartii fashilisay qaraxii KM4+Sawiro

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka amniga Muqdisho ayaa caawa booqday goobihii shalay qaraxyada ka dhaceen ee Muqdisho sida Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Sayidka iyo kii ka dhacay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho si u,ogaado saamaynta iyo raadadka ay […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka amniga Muqdisho ayaa caawa booqday goobihii shalay qaraxyada ka dhaceen ee Muqdisho sida Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Sayidka iyo kii ka dhacay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho si u,ogaado saamaynta iyo raadadka ay reebeen labadaas qarax ee shalay gilgilay Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa goobahaasi u tagay sidii qiimeyn ugu sameyn lahaa khasaaraha ka dhashay qaraxyada wuxuu sidoo kale goobahaasi u tagay sidii uu u bogaadin lahaa Ciidamada amaanka oo mid ka mid ah qaraxyadii fashiliyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ciidamada amaanka ku bogaadiyay sida dhiirinaanta iyo geesinimada leh ee ay u muujiyeen iyo sidoo kale sidii ay ugu guuleesteen in ay qabtaan mid kamid ah ragii la socday gaadiidkii shalay ku qarxay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa balan qaad faraxad geliyay Askartii shalay fashilisay qaraxii ka dhacay KM-4  usameeyay wuxuuna usheegay in la siin doono abaal marino ay ku farxaan wuxuuna Ciidamada amaanka ku bogaadiyay in ay halkooda kasii wadaan shaqada adag ay dalka iyo dadkuba u hayaan.

Qaraxyadii shalay ka kala dhacay KM4 iyo Isgoyska Sayidka ayaa weli waxaan faafaahin rasmi ah ka bixinin  mas,uuliyiinta dowladda khasaarihii ka dhashay iyadoo warar laga helay xarumaha Caafimaadka ay sheegayaan in qaraxyadaas ay ku nafwaayeen 10 qof halka dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan 20 ruux oo iskuuga jira Ciidan iyo shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version