Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo baaq soo saaray+Sawiro
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay bulshada ku nool deegaanada Maamulka Galmudug iyadoo ugu baaqay inay umidoobaan sidoo loo dhisilahaa Maamul loo dhan yahay oo Galmudug ah sidoo kale kaalin weyn ay ka gaystaan sidii Al shabaab looga saari lahaa deegaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin. Ra’iisul wasaaraha oo muddo bil […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay bulshada ku nool deegaanada Maamulka Galmudug iyadoo ugu baaqay inay umidoobaan sidoo loo dhisilahaa Maamul loo dhan yahay oo Galmudug ah sidoo kale kaalin weyn ay ka gaystaan sidii Al shabaab looga saari lahaa deegaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin.
Ra’iisul wasaaraha oo muddo bil iyo ka badan ku qaatay deegaanada Maamulka Galmudug ayaa ku dadaalaya sidii loo dhisi lahaa maamul ay udhan yihiin bulshada Galmudug ku dhaqan.
Bulshada ku nool Dhuusa-Mareeb ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa duleedka Dhuusa-Mareeb ugu sameeyay qado iyadoo kulankaas ay ku weheliyaan Wasiirada amniga iyo arimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale.
Haddaba xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ku qotoma baaqa iyo habka loo marayo maamul dhisida Galmudug.
Dhuusa-Mareeb,20-7-2019,Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay.
Qada Sharafta oo ay soo agaasimeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug, waxa ayna ballan qaadeen in ay dowkooda qaadanayaan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay qado sharafta, Soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dhammaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-heshiineed ee magaalada taalla, ayna muujiyaan in caasimaddu tahay magaala madax loo simanyahay, tanaasulaan, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan.
Ra’iisul Wasaaraha oo bulshada Dhuusamareeb u caddeeyay in dowladda ay ka go’antahay in reer Galmdug ay kala shaqeyso dhismaha Dowlad gobaleed Galmudug dhammays ah, ayaa sheegay in meel wanaagsan lasoo gaaray hase yeeshee loo baahanyahay in dhamystirka loo dhabar adeygo oo reer Dhuusamareeb ay qaataan dowr hoggaamineed si la isugu keeno dhammaan reer Galmudug looguna gogol xaaro doorasho xor iyo xalaal ah.
Horumarka Galmudug ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu inuu qabyo ahaanayo inta argagaxisadu ay qayb kamid ah ku suganyihiin, waxa uuna ku baaqay in dib-u-dhiska kaliya aan lagu ekaan ee deegaannada dhan la xoreeyo si dhammaan reer Galmudug oo xor ah ay isaga kaashanaan ka shaqeynta horumarka iyo la tartamidda dowlad gobaleedyada kale.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mar kale ugu baaqay dhammaan dadka reer Galmudug ee wali hubku uu gacantooda ku jiro in hubka ay ku wareejiyaan dowladda oo ciidamada la diiwaan geliyo si loo helo ciidan xooggan oo ka qayb qaata xoreynta dalka iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
DHAMMAAD