Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo bari ku wajahan Magaalada Marka
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalinta Bari ku wajahan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose iyadoo sedax maalmood ka hor magaaladaasi sii tageen Xildhibaano ka kala socda maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Safarka Ra’iisul wasaaraha uu ku tigi doono Magaalada Marka ayaa waxaa ku weheliya Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen waxaana la filayaa inay mashaariic ka soo dhagaxdhigaan Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.
Safarka magaalada Marka uu kubtegayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waa markii ugu horaysay uu tago intii xilkan loo magacaabay iyadoo shacabka Magaalada Marka siweyn isku diyaariyeen soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.