Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo booqday Xero Ciidan Xudurna ka baaqday
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo maanta lagu waday inay safar shaqo ku tagaan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa maanta ka baaqaday iyadoo maanta siweyn loogu sugayay Xudur.
Dhinaca kale Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xero Ciidan Booliis ah tababar ugu socdo oo ku taala Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ugu tagay 415 Askar Booliis ah oo tababar uga socdo magalaada Beydhabo loona diyaarinayo ka qayb qaadashada sare u qaadidda amniga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan si ay ugu fududaato u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.
Ciidamada oo Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa marka ay dhameystaan tababarka waxaa loo qeybinayaa qayb ka ku biirta howl gallada amniga lagu sugayo iyo qayb tababar dheeraad ah la siiyo si ay ugu mid noqdaan ciidamada booliiska gaarka u tababan.