Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo Cadaado xariga kaga jaray Mashaariic+Sawiro

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahanba howlo shaqo ku jooga degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta xariga ka jaray labo xarumood oo shacabka Galmudug ay ku dhiseen Barnaamijka isxilqaan. Xarig jarka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku weheliyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhinaca Ra’iisul wasaaraha taagnaa kolkii xariga […]

Published

on

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahanba howlo shaqo ku jooga degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta xariga ka jaray labo xarumood oo shacabka Galmudug ay ku dhiseen Barnaamijka isxilqaan.

Xarig jarka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku weheliyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhinaca Ra’iisul wasaaraha taagnaa kolkii xariga laga jarayay labadaan mashaariic ee isxilqaanka lagu dhisay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu mahad celiyay shacabka Galmudug dadaalka mira dhalka leh ee ay sameeyeen islamarkaana dadaalkan uu yahay mid ku dayasho mudan.

Shacabka iyo madaxda Galmudug iyo cid walba oo kaalin ka gaysatay Barnaamijka isxilqaan ayaa wuxuu ku guu baabiyay in halkaas ay ka sii wadaan dadaalkooda.

Haddaba xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa laga soo saaray War-Saxaafadeed looga hadlayo wax qabadka reer Cadaado iyo amaanta ay mudan yihiin.

Cadaado, Khamiis, June 27, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xarigga ka jaray laba xarun oo dadka reer Cadaado ay si isxilqaan ah ugu dhiseen taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa reer Cadaado uga mahadceliyay dadaalka badan ee ay bixinayaan iyo sida isxilqaanka ah oo ay xarumaha ugu dhiseen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybta 21-aad.

Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Cadaado ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku bogaadiyay waxqabadka muuqda iyo sida ay qaybta uga yihiin dib-u-dhiska dalka, waxa uuna dadka ku nool deegaannada kale ee dalka ku boorriyay in ay iyana dhismaha dalka uga qayb qaataan barnaamijka Isxilqaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku tegay xarunta ciidanka Nabad sugidda qaybta Galmudug oo ku taalla duleedka magaalada Cadaado oo iyana is-xilqaan lagu dhisay, waxa uuna warbixin ka dhagaystay saraakiisha hoggaamisa ciidanka.

Madaxweyaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado iyo saraakiisha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa goob joog ka ahaa xarig ka jaridda labada xarumood ee isxilqaanka lagu dhisay.

Barnaamijka Isxilqaan ayaa dowladdu ugu tala gashay in lagu dhiso xarumaha dowladda, waddooyinka iyo goobaha kale ee taariikhiga ahaa ee dalka.

—DHAMMAAD—-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version