Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo cadeeyay ujeedkiisa Galmudug(Akhriso)
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wafdi uu hogaaminayo oo shalay galab gaaray Degmada Dhuusa-Mareeb ayaa xalay ilaa maanta shirar loo kala tegin halkaas ku lalahaa Madaxda Ahlusuna iyo wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug iyagoo ka wada hadlayay arimaha murugsan ee Maamulka Galmudug iyo arimaha doorashada ee maamulkaas. Dhinaca kale waxaa dib udhac ku yimid […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wafdi uu hogaaminayo oo shalay galab gaaray Degmada Dhuusa-Mareeb ayaa xalay ilaa maanta shirar loo kala tegin halkaas ku lalahaa Madaxda Ahlusuna iyo wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug iyagoo ka wada hadlayay arimaha murugsan ee Maamulka Galmudug iyo arimaha doorashada ee maamulkaas.
Dhinaca kale waxaa dib udhac ku yimid gudigii doorashada ee la filayay in maanta lagu dhawaaqo iyadoo wararka qaar ay sheegayaan sababta baajisay inay tahay munaasabadda 26 Juun ee caawa ku beegan.
Haddaba ujeedka iyo hadafka fog ee Maamulka Galmudug iyo safarka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa laga soo saaray xafiiskiisa War murtiyeed looga hadlay ujeedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Gal-mudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Gal-mudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed.
Mudane Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Gal-mudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Gal-mudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Gal-mudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Gal-mudug.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Gal-mdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmdug.
—DHAMMAAD—-