Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo dardaaran ujeediyay gudigii shalay uu magacaabay

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay guddiga gurmadka fatahaadaha ee shalay uu magacaabay wuxuuna ujeediyay dardaaran ku saabsan isku dubba ridka dadaallada loogu gurmanayo qoyasaka dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobaka ee ku kala nool Hiiraan iyo gobolada Baay,Bakool iyo Jubbooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre war bixin ka siiyay howlihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay waxayna cadeeyeen in xalay kulan ay yeesheen ku sameysteen xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen maantana ay Beledweyne gaarsiiyeen laba diyaarad oo gargaar deg-deg ah wada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka iyo in la adkeeyo amniga deegaannada dadka ka bara keceen iyo deegaannada ay u bara keceen si bulshadu ay u hesho nabad ay ku noolaadaan.

Guddiga oo ka kooban siddeed wasiir iyo wasiir ku xigeen ayaa mas’uuliyaddoodu tahay in ay si hufan isugu dubba ridaan qorshaha samata bixinta qoyasas Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen daadadka ka dhashay roobabka iyo wabiyada karkaarrada jabsaday.

Trending

Exit mobile version