Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib Socdaalkii dalalka Qatar iyo Swizerland ka dib.
Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay Qatar ayaa 14-15 Deseembar kaga qeyb galay madashii Doha FORUM uga qayb galay waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaalada dalka iyo horumarka dalka uu ku tallaabsaday iyo dowrka ganacsatada ee dib-u-dhiska dalka ay ka wadaan iyo arimo kale.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxuu kulamo la qaatay dhigiisa Qatar iyo Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka.
Intaas ka dib Ra’iisul Wasaaraha ayaa uduulay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland , ayaa Deseembar 17-18, 2019 wuxuuna haljaas kaga qeyb galay madasha qaxootiga aduunka oo markii ugu horaysay lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxuuna halkaas Ra’iisul wasaaraha uu ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaalada qaxootiga aduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha qaxootiga aduunka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,wasiirka arrimaha Dibadda Sweden iyo Agaasimaha cusub ee qeybta Maamulka Bangiga adduunka Axel van Trotsenburg iyadoo kulamadaasi ee ka dhacay Geneva iyo Dooxa dhamaan guul ugu soo dhamaadeen Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.