Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo gaaray degmada Berdaale
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta booqday Degmada Berdaale ee gobalka Baay ayaa u kuur galay xaaladda dadka daadadka saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo tagay goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay daadka ku soo rogmaday degmada Berdaale ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay daadka iyo fatahaadaha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.
Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha daadadka iyo fatahaadaha.
Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada qorshe xal waara looga gaarayo fatahaadaha iyo daadadka biyaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah goballada dalka waxaana dhawaan la soo saarayaa siyaasad cad oo lagu wajahayo arimahaas sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah howl wadeenada xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.