Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo Kismaayo dhalinyaro kula kulmay+sawiro

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Habeenkii labaad ku hooyanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ka dib safarkii shaqo ee shalay isaga iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada, Xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ay ku gaareen Magaaladaas ayaa galabta kulan is xog waraysi ah kula […]

Published

on

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Habeenkii labaad ku hooyanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ka dib safarkii shaqo ee shalay isaga iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada, Xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ay ku gaareen Magaaladaas ayaa galabta kulan is xog waraysi ah kula qaatay Magaaladaas dhalinyarada ku nool qaar ka mid ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin kooban ka dhagaystay dhalinyarada uu la kulmay waxayna u sheegeen nooca dowlad ee ay ubaahan yihiin iyo wadooyinka wanaagsan ee lagu sugikaro amaanka guud ee dalka.

Dhalinyaradan ayaa u sheegay Ra’iisul wasaaraha in ay ubaahan yihiin dowlad awooda leh hanata amaanka dhaqaale deeqa bulshada Soomaaliyeed ukeenta dalka dhalinyaradana door muuqda laga siiyo hey,adaha dowladda iyo Siyaasadda.

intaas ka dib Xasan Cali Khayre oo hadalka loo soo weeciyey ayaa ugu horeynba umahad celiyey kana gudoomay dhalinyarada firfircoon ee talooyinka wanaagsan u soo jeediyey wuxuuna sheegay Ra’jisul wasaaraha Soomaaliya dhalainyarada in talooyinkii ay ku biiriyeen dhamaan la fulinayo sida ugu wanaagsana loogu dhaqmi doono.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhalinyarada ku dhiirageliyey in sida ay jecel yihiin dalka laguhagayo isbedelka cusub ee dhawaan ka dhalan doono Jubbaland kaalin wanaagsan ay ka geli doonaan.

Kulankaas ayaa ku soo idlaaday farxad,kaftan iyo isu mahad celin.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kormeeray xarumaha wasaaradaha Maamulka Jubbaland iyo mashaariicdii kal hore uu dhagax dhigay Ra’iisul wasaaraha bilowgii sanadkii 2018kii.

Mashaariicdaas ayaa waxaa ka mid ahaa dhismaha xarumaha Ciidamada iyo goobo kale oo muhiim u,ah bulshada reer Kismaayo wuxuuna maanta xariga ka jaray Mashaariicdaas Ra’iisul wasaare Xasan Cali.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version