Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Banaadir

Published

on

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Fawsiyo Abiikar Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ka dib markii dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegtay horraantii sannadkaan si uu qayb uga noqdo qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Maamulka Istibaalka Banaadir oo Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda isbitaalka uu ku shaqeeyo ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh uu bixiyo islamarkaana si lacag la’aanna ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee ubadan hooyada iyo dhalaanka iyagoo maamulka Isbitaalka usheegay Ra’iisul wasaaraha in adeeg caafumaad siiyeen 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 kamid ah ay yihiin carruur intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo September ee sannadkaan aan ku jirno ee 2019-ka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Isbitaalka ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la balaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta horumarinta caafimaadka bulshada ayaa bishii labaad ee sannadkaan dib ula wareegtay Isbitaallada hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir iyo sidoo kale Isbitaal Martiini waxaana dhowaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhagax dhigay Xarunta gurmadka deg deg ah ee Bangiga dhiigga oo qayb ka ah qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka uu yeelanayo.

Trending

Exit mobile version