Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo kormeeray xarumaha Ciidamada
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Ciidamada wuxuuna u kuur galayey qaabka shaqada ay u sovoto. Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeray xarunta Ciidanka Asluubta iyadoo uu kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guud Bashiir Goobe. “Waxaan maanta kormeeray Taliska Ciidanka Booliska oo ay ka socdaan howlo baaxad […]
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Ciidamada wuxuuna u kuur galayey qaabka shaqada ay u sovoto.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeray xarunta Ciidanka Asluubta iyadoo uu kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guud Bashiir Goobe.
“Waxaan maanta kormeeray Taliska Ciidanka Booliska oo ay ka socdaan howlo baaxad leh oo dib loogu habeynayo Booliska. Waxaan bogaadinayaa dadaalka saraakiisha dhallinyarada ah ay ku casriyeynayaan habka keydinta galalka Booliska laga soo billaabo markii la aasaasay”