Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo loo diiday inuu galo Gaalkacyo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajagnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in loo diiday inay galaan Magaalada Gaalkacyo sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Gaalkacyo. Warar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha markii hore safar gaaban ku tagay degmada Cadaado iyadoo ujeedka uu ahaa in Odyaasha diidan […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajagnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in loo diiday inay galaan Magaalada Gaalkacyo sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Gaalkacyo.

Warar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha markii hore safar gaaban ku tagay degmada Cadaado iyadoo ujeedka uu ahaa in Odyaasha diidan in Gogasha dib uheshiisiinta ah la dhigo Dhuusama Mareeb uu la qaato shir ku saabsan waxa ay ku diidan yihiin Dhuusa-Mareeb ka dibna ay diideen inay la kulmaan Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa markii ay diideen Odayaasha Cadaado usafray Gaallkacyo iyadoo wararka ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre maleeshiyaad aad uhubaysan udiideen inuu galo Gaalkacyo.

Wixii ku soo kordha kala soco Wargayska Tusmotimes insha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version