Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo magacaabay gudiga gurmadka fatahaadaha

Published

on

Ka dib markii deegaanada maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay ku dhufteen fatahaadaha webiyada Shabeele iyo jubba iyo sidoo kale daadadka ayaa galabta Ra’iisul wasaaraha oo ay barbar taagan yihiin Madaxweyniyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen,Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ku dhawaaqay gudiga Gurmad Qaran si loo badbaadiyo bulshada dhiban ee daadadka iyo fatahaadaha ku dhufteen.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha dhsmaan madaxdan waxay deg deg ugu howlgali doonaan ka jawaabida arimaha hadda taagan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda ay wado qorshe shansano ah oo looga gaashamanayo arimahan iyo wixii la mid ah haddana qorshahaasi meel wanaagsan ay marayaan ka dib shirjaraa’id oo deg deg ah oo uu Ra’iisul wasaaraha iyo seddaxda Madaxweyne ee sida dhabta ah ula shaqeeya dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo cid kasta oo arimahan wax ka qaban karta inay deg deg ugu howlgalaan si looga hortago qatarta ka dhalan karta xaaladaha fatahaadaha iyo daadka.

Trending

Exit mobile version