Wararka Soomaalida
Ra`iisul wasaaraha oo Magacaabay Wasiiro
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Wareegto ku magacaabay sadex Wasiir oo kamid noqonaya Golihiisa Wasiirada waxaana Wasiiradan la magacaabay ay buuxinayaan xilkii uu ka dhintay wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil iyo Wasaaraddii uu baneeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyadoo xilalka qaarna la,isku bedelay. Wasiirada Ra’isul Wasaare Kheyre uu magacaabay ayaa kala […]
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Wareegto ku magacaabay sadex Wasiir oo kamid noqonaya Golihiisa Wasiirada waxaana Wasiiradan la magacaabay ay buuxinayaan xilkii uu ka dhintay wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil iyo Wasaaraddii uu baneeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyadoo xilalka qaarna la,isku bedelay.
Wasiirada Ra’isul Wasaare Kheyre uu magacaabay ayaa kala ah.
1-Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.
2-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa.
3-Fowsiya Maxamed Sheekh Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Wasiirka cusub ee loo magacaabay Dastuurka Saalax Axmed ayaa horey u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada waxaana wasaaradan hayey oo dhawaan ka geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada ayaa lagu bedelay Wasiirkii geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil halka Wasiir Foosiya iyana buuxisay booskii Wasiirnimo uu baneeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta Gareen.
Magacaabista Wasiiradan ayaa kusoo aadeysa xili Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Washigton ee caasimada dalka Mareykanka wuxuuna dalkaasi kaga qeyb galayaa shirka Bandhiga Aduunka isagoo sidoo kale kula kulmaya Madax kala duwan.