Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo sheegay in Al shabaab ku duulayaan+Sawiro
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqasho dhiiragelin ah ugu tagay Ciidan degan Xerada Jannaraal Gordan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedka uu utagay xerada waxaa lagu sheegay inay tahay inuu ogaado xaalada nololeed ee Ciidanka ku sugan yihiin iyo haddii ay jiraan tabashooyin ay qabaan si madaxda […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqasho dhiiragelin ah ugu tagay Ciidan degan Xerada Jannaraal Gordan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedka uu utagay xerada waxaa lagu sheegay inay tahay inuu ogaado xaalada nololeed ee Ciidanka ku sugan yihiin iyo haddii ay jiraan tabashooyin ay qabaan si madaxda sare u ogaato.
Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada ku dhiirageliyay in bil walba si joogto ah uhelayaan xuquuqdooda sida Mushaarkooda,Caafimaadka,Raashiinka iyo wax allaale wixii noloshooda ku saabsan oo dhan.
Xasan Cali Khayre ayaa ciidamada u sheegay in dhowaan loo qaadi doono deegaanada ay maamulaan Al shabaab si halkaas ugu saaraan ka dibna si hufnaan iyo daacadnimo ah ugu adeegaan Bulshada Soomaaliyeed.
Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa usacba garaacay hadalka uu ujeediyay Ra’iisul wasaaraha waxayna u sheegeen in madaxda sare soo dedejiyaan amarka Al shabaab looga saarayo Gobolada ay maamulaan iyo in iyaga kow laga dhigo Ciidanka loo qaadayo deegaanada Al shabaab si halkaas ugu saaraan.