Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo sheegay kulankii uu la qaatay John inuu ahaa muhiim
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kulan kula qaatay Taliyaha amniga Qaranka Maraykanka Jonhn Bolton iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo doorka Maraykanka. Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ku heshiiyey in la dar-dargeliyo arrimaha amaanka Soomaaliya iyo in […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kulan kula qaatay Taliyaha amniga Qaranka Maraykanka Jonhn Bolton iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo doorka Maraykanka.
Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ku heshiiyey in la dar-dargeliyo arrimaha amaanka Soomaaliya iyo in Maraykanka inuu kaalin weyn uu ka qaato la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.
“Wuu ku mahadsanyahay Taliyaha amniga Qaranka ee Mareykank mudane JohnBolton sida uu u soo dhaweeyey dalabkeena ku saabsan dar-dargelinta arrimaha amaanka Soomaaliya iyo horumarka guud ahaaneed ee Soomaaliya iyo sidoo kale dib-u-habeynta waaxda amniga Soomaaliya iyo taageerada Mareykanka ee ah la dagaalanka argagixisada waxay gacan ka geysanayaa Maraykanka arrimaha Soomaaliya si looga hortago argagixisada iyo dib-u-dhiska qaranka”ayuu ku yiri Ra’iisul wasaaraha bogga Twitter-kiisa ka dib qoraal uu caawa soo dhigay.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kaga qeyb galaya shirka dhaqaalaha Aduunka oo uu soo qaban qaabiyey World Bank iyo hay’adda lacagta Aduunka ee IMF.
Madaxada Soomaaliya ee Shirkaas ka qeyb geleysa ee Ra’iisul wasaaraha ugu weyn yahay ayaa la filayaa in madaxada shirka ka qeyb geleysa ay ka codsadaan arrimaha deyn cafinta ee Soomaaliya.