Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo shir gudoomiyey Shirka amniga

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khahre ayaa maanta Shir Gudoomiyey shir looga hadlayey amaanka Muqdisho iyadoo Talisyada amniga shirka ay goob joog ahaayeen. Shirkan looga hadlayey amniga ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (indho qarshe) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerico)Taliyaha Ciidanka […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khahre ayaa maanta Shir Gudoomiyey shir looga hadlayey amaanka Muqdisho iyadoo Talisyada amniga shirka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan looga hadlayey amniga ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (indho qarshe) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerico)Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo ku simaha Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil kale.

Dhinaca kale waxaa isla shirkan looga yeeray oo ka qayb galay wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh iyo wasiirka Gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed waxaana looga dooday dib uhabaynta Ciidamada iyo xuquuda ay leeyihiin Ciidamada.

“Waxaan maanta guddoomiyay shir aan isugu yeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka,Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Maaliyadda oo aan uga hadleynay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada”ayuu ku sheegay qoraalkan Ra’iisul wasaare Xasan boggiisa Twitter-ka.

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayey wax ka qabashada amaanka caasimadda Soomaaliya iyo guud ahaan xaalada dalka iyadoo dood dheer ka dib la,isku raacay in isbedel amni ay la yimaadaan dhamaan Talisyada amniga inta aan la gaarin Bisha soon ee maalmo yar nooga harsan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version