Wararka Soomaalida
Shirkii IMF ka dib Ra’iisul wasaaraha oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassn Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF)
Ka qayb galayashii shirka Miiska wareegsan oo qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xirnaa qorshaha deyn cafinta ayaa bogaadiyay ka go’aanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ayna ballan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta looga cafinayo.
Intii Ra’iisul Wasaaruhu joogay Washington ayaa wuxuu ka qayb galay shirka miisaka wareegsan ee looga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda la gaaray waxyaaba ka harsan gaaridda barta go’aanka ee 2020 iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka mira dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha bangiga aduunka,agaasumaha maamulka IMF,wasiirada maaliyadda Natherland ,Talyaaniga,Noray iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark,xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas,uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta maraykanka.
Ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah marsiineysa SMP4.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu soo saarnaa diyaaradda lakulmay qoy diyaarada la soo raacay ka dib markii qoyskaas ujeediyeen Ra’iisul wasaaraha talooyin ku aadan horumarka dalka.