Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo si adag ugu hadlay weerarkii Xamar
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacdo dheer ka aamusnaa weerarkii dhiigabadan ku daatay ee Al shabaab ay ku qaadeen dhismiyaasha Hilaac UK iyo Makah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyey dhimashadii iyo dhaawicii ka soo gaaray dadkii eheladooda ku wax yeeloobay qarax yadaas. inta geetiyootay ayuu […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacdo dheer ka aamusnaa weerarkii dhiigabadan ku daatay ee Al shabaab ay ku qaadeen dhismiyaasha Hilaac UK iyo Makah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyey dhimashadii iyo dhaawicii ka soo gaaray dadkii eheladooda ku wax yeeloobay qarax yadaas.
inta geetiyootay ayuu Alle ubaryay in dimi dhaaf uu siiyo kuwa qaba dhaawacyada wuxuu urajeeyay in ilaahay caafimaad deg deg ah uu siiyo.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay ficilada shacabka marwaliba ay kula kacayaan Al shabaab in aan loo dulqaadan karin sida ugu dhaqsiyaha badana dowladda ugu jawaabi doonto wixii xalay ka dhacay Magaalada Xamar ee Al shabaabka ay ka gaysteen.
Xasan Cali Khayre waxaa kaloo uu ku goodiyey in dowladda Soomaaliya guluf dagaal oo soo afjarida Al shabaab ah dhawaan qaadi doonto si loo badbaadiyo dhiiga umadda Soomaaliyeed sida gardarada ah ay u daadinayaan Al shabaab.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa u balanqaaday dadka dhaawacyada culus qaba ee xaaladooda dalka wax looga qaban karin in loo qaadi doono caafimaad dalka dibadiisa ah si xaaladooda loola tacaalo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xasan Cali Khayre ayaa waxaa uu soo hadal qaaday howlgalka saacadaha dheer qaatay sababta ka dambeysay wuxuuna sheegay in Al Shabaabkii weerarka ka dambeeyay ay galeen guri dad shacab ah ay degnaayeen isla markaana waqti dheer ku qaadatay Ciidamada in ay soo afjaraan howlgalka wuxuu ciidamada amaanka ku amaanay sida ay howlgalka usoo afjareen una badbaadiyeen shacabkii go’doonsanaa ee cadowga intii guryahooda ugu soo galay ka dibna udiiday in ay ka baxaan si Xabadaha la,is dhaafsanayo ay ugu badbaadaan.
Weeraradii xalay ilaa maanta gelinkii dambe soo gaaray ayaa waxaa ku nafwaayey dad shacab ah oo tiradooda kor udhaafaysa 40 ruux iyo tirada dhaawacyada dadka rayidka ah oo gaaray 65 qof ka dib howlgalkii dhismiyaasha looga saarayey Albshabaab uu qaatay 18 Saac.
Waa howlgalkii abid ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Magaalada Muqdisho tan iyo intii Kooxdan qarax yada ay ka gaysanayeen Magaalada Muqdisho.
Qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Xamar ee Al shabaabka ka fulin jireen ayaa ka duwan kan xalay ay ka sameeyeen Gobolka Banaadir.
Qarax yadii hore iyo gelida Al shabaab dhismiyaasha ayaa waxaa uu ku koobnaa Hoteelada iyo goobaha kale ee ay ka fuliyaan weerarada haddase Al shabaab waxay la yimaadeen farsamo cusub ka dib markii xalay bilowgii Qaraxa Koobaad uu dhacayba ay fuuleen guryo dad shacab ah degen yihiin.
waana midda keentay qaabkii shacabka loo badbaadin lahaa kooxdana loo dili lahaa ama nolosha loogu qaban lahaa in wax badan ay ka fikiraan Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya.
Arrintaas oo markii dambe keentay in howlgalkaas uu qaato 18 saac taasoo wax badan ay iska weydiinayeen shacabka Muqdisho.