Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo tababar u soo xiray Ciidan ku dhow 200+sawiro
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Americo ayaa maanta si wadajir ah tabar ugu soo xiray Magaalada Muqdisho Ciidan booliis ah oo muddo lix bilood ah tababar Ciidan oo booliis ah ugu socday xarunta tababarka gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee […]
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Americo ayaa maanta si wadajir ah tabar ugu soo xiray Magaalada Muqdisho Ciidan booliis ah oo muddo lix bilood ah tababar Ciidan oo booliis ah ugu socday xarunta tababarka gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jannaraal Kaahiye Magaalada Muqdisho.
Ciidankan oo ka kooban rag iyo dumar ee maanta Ra’iisul wasaaraha u soo xiray tababarka Ciidan ayaa tiradooda waxay gaarayaan 1400 oo askari waxaana loogu talogalay in amaanka caasimadda ee Muqdisho lagu wareejiyo halka qaarkood ay ka shaqayn doonaan arrimaha sharciga iyo Maxkamadaha.
Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya,Ra’iisul wasaaraha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Ciidamadan cusub ujeediyey dardaaran ku aadan in ay ku shaqeeyaan alla ka cabsiga iyo in ay unaxaan shacabka Soomaaliyeed sharcigana ay dhowraan.
Madaxdan ayaa Ciidanka ku booriyey in ay la yimaadaan shaqo wanaag iyo firfircooni si loo helo Caasimad nabad ah iyo bulsho nabad qabta.