Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo udhoofay dalka Qadar
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo uu uga qayb gelayo madasha Dooxa.
Madasha Dooxa ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka kala socota caalamka iyo hay’ado caalami ah waxaana ajandaha sanadka looga hadlayaa uu yahay madasha Dooxa arimaha amniga,teknoolojiyadda,dhaqanka iyo ganacsiga wuxuuna socon doonaa 14-15 ka December waana markii labaad oo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya shirka Madasha Dooxa uu ka qeyb galo.
Safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee dalka Qadar uu ku aaday ayaa waxaa ku weheliya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale.