Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo war faraxad leh ushegay dhalinyarada Galkacyo+Sawiro

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday degmada Gaalkacyo caawana markiisa labaad seexanaya ayaa maanta gelinkii hore ilaa Casirkii shir la qaatay dhalinyarada ku nool Magaalada Galkacyo dhinaca Maamulka Galmudug isagoo dhalintaas ka xog wareystay hamigooda iyo waxay jecelyihiin inay usamayso Xukuumadda Ra’iisul wasaaraha uu ka yahay. Dhalinyarada nasiibka uyeeshay inay […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday degmada Gaalkacyo caawana markiisa labaad seexanaya ayaa maanta gelinkii hore ilaa Casirkii shir la qaatay dhalinyarada ku nool Magaalada Galkacyo dhinaca Maamulka Galmudug isagoo dhalintaas ka xog wareystay hamigooda iyo waxay jecelyihiin inay usamayso Xukuumadda Ra’iisul wasaaraha uu ka yahay.

Dhalinyarada nasiibka uyeeshay inay la fariistan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  oo uu waydiiyo waxay mustaqbalka jecelyihiin inay qabtaan iyo waxa ay ka dalbanayaan dowladooda ayaa ugu horayn umahad celiyay Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa sida sharafta leh ee u xasuusateen inay wax ka weydiiyaan hamiga dhalinyarada ku nool Degmada Gaakkacyo dhankeeda Koonfured ee Maamulka Galmudug.

Umahad celin madaxda ka dib dhalinyaradaas ayaa Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday abo arimood ay usamayso dowladda federaalka Soomaaliya.

1-in dowladda federaalka Soomaaliya nabadeyso Galmudug si deg deg ahna loo dhiso Maamul loo wada dhan yahay oo Galmudug ah.

2-waxay ka codsadeen in deeqo waxbarasho dal iyo dibad ah ukeento dowladda Soomaliya dhalinyarada si heerka aqooneed skiiga dhisaan.

3-dhalinyaradaas ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre inuu udhiso Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise ee Magalada Gaalkacyo si dhalinyarada hibada ilaahay usiiyay fahamka Ciyaaraha Kubadda Cagta uhelaan Garoon quruxbadan oo ay ku ciyaaraan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhalinyaradaas usheegay war farxad ku beeray quluubta dhalinyaradii codsiyada ujedisay wuxuuna ushegay in marka koobaad Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise loo dhisayo waliba sida iyagu jecelyihiin loogu dhisayo garoonkan oo loogu magacdaray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya Cabdullaahi Ciise kana mid ahaa Ururkii gobonimo udirka Soomaaliya ee SYL.

Waxa kaloo u sheegay dhalinyaradaas Ra’iisul wasaaraha in waxbarasho noocii ay doonaan loogu keenayo deegaanada ay ku nool yihiin iyagooba dal shisheeye waxbarasho u,aadin.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhalinyaradaas ubalan qaaday in Xukuumadda Ra’iisul wasaaraha uu ka yahay dhismaha Garoonka  ku bixinayo Qarash dhan $150,000 kun oo Dollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale Xasan Cali Khayre ayaa ugu dhaartay dhalinyarada inay ka go,antahay inuu nabadeeyo Galmudug sidoo kale udhisayo Maamul muran lahayn loo wada dhan yahay oo Galmudug ah sababta safarkiisa Galmudug uyimid kan kobaad  uu yahay iyaguna garab ku siiyaan waxayna ubalan qaadeen inay garabkiisa marnaba cidlaynaynin.

Dhalinyarada shirka la qaatay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa mid mid laabta ugeliyay Ra’iisul wasaaraha iyagoo ugu mahad celiyay sida dhaqsiyaha leh ee baahiyahooda ugu jawaabay.

Intaas ka dib Ra’iisul wasaaraha iyo dhalinyaradii shirka la qaatay ayaa jimicsi ku soo sameyay Garoonka Cabdullaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed ee Maamulka Galmudug ku yaala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version