Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku sii jeeda Washington

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington. Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kaga qeyb galaya shir ka dhacaya halkaas oo ay soo qaban qaabiyeen mas,uuliyiinta […]

Published

on

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kaga qeyb galaya shir ka dhacaya halkaas oo ay soo qaban qaabiyeen mas,uuliyiinta Bangiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF.

Safarka Ra’iisul wasaaraha waxaa ku weheliya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh,qaar kale oo ka mid ah Golahiisa wasiirada lataliyaal xafiiskiisa ka tirsan iyo ku simaha Taliyaha Hay’adda sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wafdiga Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu soo waramayaa in xoogaa ay ku hakan doonaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida aan wararka ku helnay ka dibna u duuli Magaalada Washington si ay ugu qeyb galaan shirka IMF iyo Bangiga Aduunka.

Intii ay ku sugan yihiin Maraykanka ayaa waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan mas,uuliyiin sarsare oo ka mid ah dowladda Maraykanka iyagoo kala hadli doona xaalada dalka iyo xiriirka labada wadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version