Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha UK oo waji-gabax la kulmay
Kadib markii horaantii bishan uu kala diray Golaha Baarlamanka Uk Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa waxaa maanta go,aankaas ka fariistay madaxda Maxkamada sare ee dalka UK dood dheer ka dib waxay iskuraaceen xeer ilaalinta Maxkamada sare ee dalkaas in talaabadii Ra’iisul wasaare Boris Johnson uu ku galadiray Baarlamanka hareermarsan tahay sharciga dalka Ingiriiska sidaas darteed sharcidaro ahayd talaabadaas uu qaaday Boris Johnson.
Madaxweynaha maxkamada sare ee Ingiriiska haweenayda lagu magacaabo Lady Hale ayaa ku dhawaaqday go,aankii lagu buriyay talabadii Ra’iisul wasaaraha Uk Boris Johnson iyadoo sheegtay in sharcidaro ahayd go,aankii Ra’iisul wasaare Boris Johnson uu uu ku kala diray Golaha Baarlamanka laga bilaabo maalinta bari ah shaqadooda dib ubilaabaan.
Xisbiyada mucaaradka dalka Ingiriiska ayaa Ra’iisul wasaare Boris Johnson ugu baaqay in deg deg isku casilo maadaama laburiyay go,aankii uu qaatay xeer Maxkamad sare lagu jabiyay amarkiisa laguna tilmaamay sharcidaro talaabooyinkii uu qaaday.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa hadda ku sugan shirka Golaha amaanka ee QM waxaana wararka qaar ay sheegayaan in caawa uu ka duuli doono magaalada New York ee dalka Maraykanka dibna ugu laaban doono magaalada LONDON si wajagabax siyaasadeed ka soo wajahay Maxkamada sare islamarkaana uu jwaab ugu bixiyo.
Bisha soo socota ee October 31 ayaa loo balansan yahay in UK ka baxdo midowga reer Yurub ama ka siimid ahaadaan waana sababta Boris Johnson ukala diray Golaha Baarlamanka muddo 5 todobaad ah si xaalada dabadheeratay ee ka bixitaanka midowga Yurub usahlanaato.