Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaare Khahre oo shaado sharaf la gudoonsiiyey+sawiro
Gudiga dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre ayaa gudiga ka dhageystay warbixin ku saabsan halka uu marayo dhismaha Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garowe ka dib markii Ra’iisul wasaaraha uu dhagaxdhigay Mashruhcaas ka dib […]
Gudiga dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre ayaa gudiga ka dhageystay warbixin ku saabsan halka uu marayo dhismaha Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garowe ka dib markii Ra’iisul wasaaraha uu dhagaxdhigay Mashruhcaas ka dib markii sanadkii hore ee 2018kii ee safar shaqo uu ku tagay halkaas.
Gudiga ayaa Ra’iisul wasaaraha ka siiyey warbixinta heerka uu marayo dhismaha Mire Awaare waxayna u sheegeen in heer gabagabo ah uu ku dhaw yahay Garoonka Kubadda cagta ee Mire Awaare.
Gudiga ayaa Ra’iisul wasaaraha ugu mahadceliyey mashruuca dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ee Magaalada Garowe iyagoo usheegay in mashruucan ahmiyad weyn uleeyahay dhalinyarada Puntland gaar ahaan Magaalada Garowe kuwa ku nool.
Xasan Cali Khahre ayaa ugu mahadceliyey gudiga sida wanaagsan ee ay usiiyeen warbixinta mashruucuu sanad ka hor uu ka hirgeliyey Garowe iyo ahmiyadda uu uleeyahay garoonkan dhalinyarada Garowe ku nool.
Gudiga ayaa kulanka ka dib Ra’iisul wasaaraha gudoon siiyey shahaado sharaf ku aadan dadaalka uu ka gaystay Garowe iyo mashruuca dhismaha Garoonka Mire Awaare ee Garowe.
Gudoomiyaha Gudiga dhismaha Garoonka Mire Awaare Maxamed Cali Ciise ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahadceliyay tageerada iyo garab istaagga buuxa ee uu umuujiyey dhalinyarada Puntland.